Muuqaal-Sawirro: Hay’ad dalka Australia ka diiwaangashan oo Dugsiga Sare ee Bursaalax Fasalo ku kordhisey

09 June 2025 (Puntlandes.com) Hay’adda Read Somali education empowerment incorporated oo fadhigeegu yahay magaalada Melbourne ee dalka Australia ayaa Dugsiga Sare ee Bursaalax ku kordhisay labo Fasal oo Iskuulku baahi xoogan u qabay.
Dhismaha labada Fasal ayaa waxaa dheeraa qalabayn Kuraas iyo Miisas midkiiba la dhigay 20 Miis oo dheer iyo 20 Kuraas ay ugu yaraan 3 arday ku fariisan karto, sidoo kale Footokoobi casri ah oo si dhaqso ah wax u daabacaya.
Dhaqaalaha ku baxay oo Hay’addaasi ay fulisay ayaa waxaa baxshay ama soo uruuriyey dhalinyada Masaajidka ku xiran ee Imaan Station ee magaalada Melbourne, wuxuuna ahaa 24 550$ taas oo ku kala baxday.
1-Dhismaha labada Fasal waxaa ku baxay 21 000$
2-Kuraasta iyo Miisaska labada Fasal waxaa ku baxay 2 600$
3-Footokoobigana waxaa ku baxay 950$
Horay Dugsiga Sare wuxuu ka koobnaa 10 Fasal iyadoo jirtay baahi xoogan oo Iskuulku Fasalo cusub u qabay. Ardayda sanadkaan gashay Ixtinaanka Fasalka 8aad ayaa ahayd 380 arday halka sanadkii hore ay ahaayeen 180 Arday kaliya. Taas oo muujinaysa koror xoogan ayna la socoto baahida Iskuulka oo korortay.
Dugsiga Sare ee Bursaalax ayaa hoos yimaada Mashruuca Horumarinta Degmada Bursaalax kaas oo ka kooban Dugsi Hoose Dhexe, Dugsiga Sare, Dugsiga dadka waawayn, Dugsiga Farsada gacanta, Koleej ama Boodhin, Cisbitaal, Waaxda Biyogelinta magaalada oo ay hoos yimaadaan Ceelal Biyood oo dhawr ah, Waaxda Beeraha. Mashruuca ayaa dadka deegaanka oo dibad iyo gudo iskaashanaya waxay ku bilaabeen si isku tashi ah walina waa ku socdaa isagoo iminka najaxay.

















