Muuqaal: Hadaljeedintii MD Deni ee furitaanka kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

15 June 2025 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta furay kal-fadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.
Madaxweynaha ayaa Khudbaddiisa Dastuuriga ah uga hadlay shaqooyinka u qabsoomay Dowladda Puntland intii u dhexeysay labada kal-fadhi, hawlgalka Argagixisada looga ciribtirayo Puntland, iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka isagoo ku baaqay Shirweyne loo dhanyahay in la isugu yimaado si loo samatabixiyo dalka.
Madaxwehnaha ayaa shacabka Puntland uga tacsiyadeeyay geesiyaashii Ciidankeenna ee ku shahiiday intii uu socday hawlgalka Argagixisada looga ciribtirayo Calmiskaad, wuxuuna si rasmi ah ugu dhawaaqay in wejigii 3-aad ee Hawlgalka uu dhammaaday laga billaabo beritona uu bilowmayo wejiga 4-aad ee hawlgalka oo ah sifeynta firxadka.
Hawlgalka Hillaac oo ka socda Calmiskaad madaama uu dhammad ku dhowyahay, wuxuu Madaxweynuhu bulshada la wadaagay in la isu diyaariyo Hawlgalka Onkod ee Argagixidada looga sifeynayo Calmadow, oo dhowaan ka bilowmaya.