Daawo sawirrada Xasan Atar oo ka tirsan argagixisada Daacish oo Ciidanka Puntland qabteen

15 June 2025 (Puntlandes.com) Ciidanka dawladda Puntland ee Argagixiso sifaynta ka wada Calmistaad ayaa gacanta ku dhigay Xasan Atar oo ka mid kamid ahaa Argagixisada Daacish isagoo u dhashay dalka Turkiga.

Ninkaan ayaa Ciidanku ku qabtteen shalay 14-kii Juun 2025 deegaanka Ceelka Dacare isagoo kaligiis biyo ka dhaansanaya Ceel, oo ku hubeysan Qori Ak47, balse aan la socon wax koox ah.

Firxadka Daacish ayaa hadda bilaabay in si Kali kali ah ay u kala baxsadaan, taas oo muujinaysa guulaha ciidamada Difaaca Puntland ka gaareen howlgalka ciribtirka argagixisada ee ka socda Cal-miskaad.

About The Author