Ciidanka Puntland oo soo qabtay nin ka tirsan Firxadka Argagixisada Daacish

16 June 2025 (Puntlandes.com) Ciidanka Birmad Booliiska Puntland ayaa soo qabtay nin ka tirsan Firxadka Argagixisada Daacish oo ku dhuumalaysanayay Togga Baalade ee Bosaaso, isagoo lagu magacaabo Hakiimo kana soo jeeda Dalka Itoobiya.
Ciidanka Birmad Booliiska ayaa Howgalo balaaran oo lagu xaqiijinayo Amniga laguna baadigoobayo Firxadka argagixisada ka wada Togga Baalade iyo Biyo kulule halkaas oo lagu sheegay firxadka argagixisada kasoo cararay Jabka ay u gaysteen Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland ee ku sugan jiida hore ee Calmiskaat.

