Warmurtiyeedka shirkii Muqdishi: 4tii Cutub ee dastuurka uu ka bedelay madaxweyne Xasan Sheekh waa in dib looga wadahadlo lagana heshiiyo
19 June 2025 (Puntlandes.com) Warmurtiyeed ayaa laga soo saaray gogoshii wadatashiga ee maamulka Xasan Sheekh ee afarta cisho ka socotay magaalada Muqdisho.
Qodobada kasoo baxay ayaa waxaa ka mid ah:
1- In dastuurkii uu afarta Cutub ka bedelay madaxweyne Xasan Sheekh dib looga wadahadlo lagana heshiiyo
2-In doorashada dalka ka djhacaysaa ay noqoto mid laga wada heshiiyo oo aysan noqon mid ay wadato dawladda Xasan Sheekh.
Dhinaca doorashooyinka, war-murtiyeedku wuxuu si cad u diiday in dib loogu laabto nooc kasta oo doorasho dadban ah. Waxaa si gaar ah loogu baaqay in si degdeg ah loo qabto doorashooyinka dowladaha hoose ee deegaanada aan Puntland iyo Somaliland ahayn, iyadoo la kaashanayo khibradaha maamuladaas.
Gabagabadii, waxaa la adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii socoshada wadahadallada ku saabsan doorashooyinka heer dowlad-goboleed iyo heer federaal si loo gaaro heshiis loo dhan yahay, loona ilaaliyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.
Hoos ka akriso Warmurtiyeed:



