Sawirro-Muuqaal: Siyaasi Cabdirsaaq Khaliif oo ku dhawaaqay inuu yahay musharax madaxwayne SSC-Khaatumo

29 June 2025 (Puntlandes.com) Siyaasi Cabdirsaaq Khaliif oo ka mid ah siyaasiyiinta miisaanka culus ee maamulka SSC-Khaatumo oo maanta soo gaaray magaalada Laascanood ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharax madaxwayne SSC-Khaatumo.
Shacabka iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta ayaa si diiran musharaxa ugu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Laascaanood, waxaa safarka ku weheliyey Ganacsade Cabdirisaaq Ataash.
Hoos ka akhriso qoraalka uu musharuxu uga hadlayo musharaxnimadiisa:
Bismillaah.
Waxaan maanta si rasmi ah ugu dhawaaqaya in aan ahay Musharax Madaxweynaha SSC-Khaatumo doorashada loo madlanyahay, go’aankan waa mid aan uga jawaabayo rabitaanka Shacabkeyga SSC-Khaatumo, tallooyinka iyo soojeedimaha bulsho ee isoo gaadhay.
Si wanaagsan ayaan u fahansanahay duruufaha iyo marxaladihii laga soo maray in aynu halkan soo gaadhno, waxaana rabaa inaan si wanaagsan dhidibada ugu taagno nidaam Dowladnimo oo leh Ciidan dhisan, Hay’addo dowladeed oo horumarsan oo bixiya adeegyada bulshada, siyaasad ku dhisan isku filnaansho maaliyadeed iyo mid dhaqaale iyadoo kor loo qaadayo maalgashiga.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waan u mahadnaqayaa talaabooyinkii ay qaaday inta dhimana dhamaystirkoodaan ka sugaynaa, waxaana ka shaqayn doonaa sidii aan usii adkayn lahayn xidhiidhkeena.
Waxaan ahay odey waxbadan ka og xaaladda Gobolka, kama abaal-dhaceyno cidkasta oo inagala qeyb qaatay halgankii SSC-Khaatumo, Puntland waxaynu noqonaynaa Laba Dowladood oo walaalo ah oo siman, kuwaasi oo aan la isku xuuxin karin, balse uu ka dhexeeyo iskaashi.
SSC-Khaatumo waa natiijada kacdoonkii iyo rabitaankii shacabka, sidaasi darteed waxaa naga go’an in aan ka dhabayno sidii aan mustaqbalka u noqon lahayn Dowlad isku filan, xubin ka ah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Ugu dambayn waxaan u mahadcelinayaa guud ahaan bulshada reer SSC-Khaatumo ee sida weyn maanta noosoo dhoweeyey, waxan noqon doona Geed Damal ah oo ay bulshadu wada hadhsato
Guul Insha allaah.











