Diyaarad Millatari oo ku dhacday Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho

02 July 2025 (Puntlandes.com) Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo milatari ah ayaa maanta ku dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoo ka soo duushay garoonka Ballidoogle ee Shabeellaha Hoose.

Shilka ayaa ka dhacay meel 320 mitir u jirta dhabbaha diyaaradaha ku ordaan, waxaana markiiba qabsaday dab. Diyaaradda waxaa saarnaa 8 qof oo ay ku jiraan duulliyeyaasha, balse ilaa hadda lama helin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan xaaladooda.

Shaqada garoonka ayaa si caadi ah u socota, inkasta oo la xiray qeyb ka mid ah dhabbaha diyaaradaha si loo baaro goobta shilka. Wali waxaa socda gurmad iyo baaritaan rasmi ah oo lagu ogaanayo sababta keentay shilka.

About The Author