Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland oo Shaahaado Sharaf u guddoonsiiyey Guddoomiyaha Gobolka Mudug,

02 July 2025 (Puntlandes.com) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland, Mudane Cabdi Siciid Faarax (Juxa), ayaa maanta si rasmi ah Shaahaado Sharaf ugu guddoonsiiyey Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Mudane Faysal Sheikh Cali Jifo-Jabsade, iyadoo lagu maamuusayo dadaalkiisa hagar la’aanta ah ee ku aaddan warbixinada maalinlaha, bilaha, saddex biloodleyaasha, lix biloodleyaasha iyo sanadlaha, hawlkarnimadiisa, iyo guud ahaan waxqabadkiisa muhiimka u ah gobolka.
Munaasabadda lagu guddoonsiiyey Shaahaadada waxaa goob-joog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan wasaaradda, maamulka Gobolka Mudug, iyo xubno ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada. Wasiir Juxa ayaa xusay in Guddoomiyaha Gobolka Mudug uu kaalin muuqata ka qaatay geeddi-socodka dhismaha dawladaha hoose iyo hirgelinta qorshaha maamulka gobollada Puntland.
Guddoomiye Faysal ayaa uga mahadceliyey Wasiirka Shaahaado-sharafta la guddoonsiiyey, wuxuuna ballan qaaday in uu sii laban laabi doono dadaallada uu ugu jiro xasilinta, horumarinta, iyo wacyigelinta bulshada Gobolka Mudug.