Maamulka Degmada Gaalkacyo oo mamnuucay qabsoomidda shirarka, kulamada & isu imaatinnada bulsho ee aan ogolaansho haysan

02 July 2025 (Puntlandes.com) Maamulka Degmada Gaalkacyo ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu mamnuucay qabsoomidda shirarka, kulamada iyo isu imaatinnada bulsho ee aan ogolaansho rasmi ah ka haysan.

Waxaa iminka socday abaabulka qabashada shir la isaga horkeenayo shacabka gobalka Mudug iyo dawladooda, kaas oo riixayeen siyaasiin xil doon ah iyo kuwa la shaqaynaya maamulka Xasan Sheekh.

Maamulka degmada Gaalkacyo ayaa waxa uu digniin u diray hotelada iyo goobaha beeraha dalxiisja iyo martiqaadyada, sidoo kalena taallo sharci ah laga qaadi doono cidii samaysay shirar aan la ogayn

About The Author