Madaxweynaha Puntland oo dhagax dhigay dibu dhiska wadada xariirisa Gaalkacyo & Bacaadweyn ee gobalka Mudug

03 July 2025 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa dhagax dhigay dibu dhiska wadada xariirisa Gaalkacyo iyo Bacaadweyn ee gobalka Mudug, iyadoo dhaqaalaha lagu dhisayo uu yahay Canshuurta shacabka laga qaado, Isimadda gobalka ayaa ka qeybgalay.

Mashruuca dibu dhiska wadadaan ayaa ka mid ahaa tiro mashaariico ah oo ay dawladda Faderaalka, si xoogan 2dii sanno ee lasoo dhaafay u dhexgalisay isku heynta siyaasadda ee kala dhaxaysa maamulada.

Villa Somalia ayaa bilihii ugu dambeeyey waqti badan galisay sidii ay u dhexgali lahayd tabashada ay qabeen qaar kamid ah bulshada gobalka Mudug, taas oo hadda u muuqata in lagu guuldareystay, maadaama dibu dhiska wadadan la dhagax-dhigay, iyadoo ay fulinayaan shirkado gobalka laga leeyahay.

About The Author