Gudoomiyaha Degmada Bosaso oo iska casilay xilkii gudoomiyaha degmada

05 July 2025 (Puntlandes.com) Gudoomiyihii degmada Bosaso Cabdifataax Maxamed Cismaan (Cabdifataax Shanle) ayaa si rasmi ah isaga casilay xilkaas, ka dib mooshin iyo mucaaradnimo xoog leh oo uu kala kulmay ku dhawaad 30 xildhibaan oo katirsan golaha deegaanka, iyadoo saaka uu furmay kalfadhigii 36.aad ee Golaha Deegaanka Bosaso.

Cabdifataax Shanle ayaa wuxuu ka tirsan yahay xisbiga Sincad, waxaana hadda bilaabmay loolanka xisbiyada ee maayirka magaalada Bosaso.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa la filayaa inay muddayso, xilliga ay dhacayso doorashada Guddoomiyaha cusub ee Degmada.

About The Author