Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, Xil Cabdirashiid oo xalay ka guureeyey deegaanka Ceelbuh ee gobolka Sanaag
07 July 2025 (Puntlandes.com) Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil (Cawl), ayaa xalay xili dambe ka baxay deegaanka Ceelbuh ee gobolka Sanaag, kadib markii Isimada iyo waxgaradka gobolka ka dalbadeen sidaas.
Xildhibaan Cabdirashiid oo Ciidamo wata ayaa deegaanka u tagay in ku qabto shir ay soo abaabuleen maamulka Xasan Sheekh iyo hogaamiye Firdhiye, iyadoo ay deegaanka dawladda Puntland ku daadguraysay ciidamo badan.
Dowladda Federaalka ayaa shaacisay inay maamulka Khaatumo ku dhammeystirayso, oo ku darayso gobollada Sool, Cayn, Sanaag iyo Haylaan oo ka mid ah dawladda Puntland, waxayna doonaysay inay shir ku qabato deegaankaas.
Sidoo kale, shalay ayay ahayd markii wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Ganacsiga Dowladda Federaalka uu kasoo dagay magaalada Laascaanood, iyagoo uga sii gudbi lahaa dhanka deegaanka Ceelbuh si ay shirka ugu biiraan taasoo iminka aan suurtogal ahayn.
Dhanka kale Guddoomiyaha Baarlamaanka dawladda Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay faragalinta guracan iyo qalalaasaha siyaasadeed ee Dowladda Fedraalku ka wado Gobolka Sanaag, isagoo sheegay in Dowladda Puntland ku hawlantahay wax ka qabadkeeda, inbadana qabsoontay inta kalana ay dhamaystirayaan, amniga gobolkana masuuliyadeedu saarantahay Dowladda Puntland.