Sawirro: Guddoomiyaha gobolka Mudug oo hoygiisa ku booqdaday Islaan Bashiir Islaan Cabdulle
15 July 2025 (Puntlandes.com) Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Mudane Faysal Sheikh Cali Jifo-Jabsade, ayaa booqasho sharafeed ku tagay hoyga Islaan Bashiir Islaan Cabdulle. Booqashadan ayaa ahayd mid xambaarsan is-xogwaraysi, wadatashi iyo dhiirrigelin ku aaddan doorka Isimada dhaqanka ee nabadda iyo wadajirka bulshada.
Intii ay kulanka ku jireen, waxay labada mas’uul ka wada hadleen arrimo muhiim u ah gobolka, sida nabadgelyada, xallinta khilaafaadka, iyo kaalinta hagar la’aanta ah ee ay dhaqanka iyo maamulka deegaanka ku leeyihiin.
Guddoomiye Faysal ayaa uga mahadceliyey Islaan Bashiir doorkiisa muuqda ee uu ka qaato arrimaha bulshada, wuxuuna xusay in ay si dhow ula shaqeyn doonaan isimada dhaqanka si loo xaqiijiyo horumar waara.
Islaanka ayaa dhankiisa guddoomiyaha ku bogaadiyey dadaalka uu ugu jiro danta guud, isagoo tilmaamay in ay diyaar u yihiin in ay garab istaagaan maamulka gobolka markasta oo laga shaqeynayo nabadgalyada iyo horumarka.

