Baarlamanka Puntland oo fadhi ay yeesheen si rasmi ah xasaanadda uga xayuubiyey xil Cabdirashiid Cawl (Abwaan)
15 July 2025 (Puntlandes.com) Baarlamanka Puntland ayaa maanta fadhi ay yeesheen si rasmi ah xasaanadda uga xayuubiyey isla markaasna aqbalay iscasilaaddii xildhibaannimo ee Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl (Abwaan) oo ku biiray siyaasiyiinta garwadeenka ah dhammaystirka maamulka SSC-Khaatumo.
Abwaan ayaa laba beri ka hor iska casiley xilka xildhibaannimo isagoo ku sugan furitaanka shirka dhammaystirka SSC-Khaatumo ee Laascaanood.