Maamulka Xasan Sheekh oo mileeshiyaad hubaysan ka qoranaya Puntland
15 July 2025 (Puntlandes.com) Maamulka Xasan Sheekh oo khilaaf siyaasadeed kala dhexeeyo xukuumadda Siciid Deni ee Puntland ayaa ku amartay mas’uuliyiinta heer Federaal ee ka soo jeeda Puntland in mid kasta degaankiisa ka qorto mileeshiyaad hubaysan oo isaga daacad u ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadda ku maqan safar dibadeed ayaa dhammaadkii bishii hore June bilaabay in uu mas’uul kasta oo ka soo jeeda Puntland u diro abuurista mileeshiyaad hubaysan oo mas’uulkaasi daacad u ah, sida aan ka xigannay shakhsiyaad xogtooda lagu kalsoon yahay.
Xasan Sheekh ayaa doonaya inuu qas iyo carqalad ka abuuro Puntland si uu u fushada danijhiisa guran.