Puntland oo dagaal ka dhacay Dhahar ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya

1a1l3

15 July 2025 (Puntlandes.com) Guddoomiyaha degmada Dhahar ee gobolka Haylaan, Bashiir Maxamed Ciise oo ka hadlay dagaal galabta ka dhacay Dhahar ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay ka danbaysay dhibkaasi.

Guddoomiye Bashiir Maxamed oo faahfaahin ka bixiyay dagaalkii galabta ayaa sheegay in uu dhexmaray ciidamada dowladda Puntland iyo mileshiyaad hubaysan oo Villa Somalia ka qoratay Dhahar, kuwaasi oo maanta sameeyay dhaq dhaqaaqyo liddi ku ah amniga degaanka, halkaan ka akhriso maamulka Xasan oo mileeshiyaad hubaysan ka qoranaya Puntland.

“Dowladda Federaalka oo khalkhal gelin amni ka waday Gobolka Haylaan ayaa iyadoo kaashanaysa maamul ku sheegga Khaatumo ayey maanta ciidan ay qorteen waxay sameeyeen jidgooyooyin, waana ka banaynay, xaaladdu waa caadi” ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Dhahar, Bashiir Maxamed Ciise.

Wuxuu sheegay in ciidamada Daraawiishta Puntland oo ay weheliyaan Booliska degmada Dhahar ay ku guulaysteen in ay kala ceyriyaan mileeshiyaadkii Villa Somalia abaabushay oo isbaarooyin dhigtay gudaha degmada, islamarkaana ciidanka dowladdu hadda furay jidadkii xirnaa, sida uu hadalka u dhigay

Dhinaca kale, guddoomiye Bashiir kama hadlin khasaarihii ka dhashay dagaalkaasi ilaa iyo haddana faahfaahin sugan lagama hayo, balse wararka qaar ayaa sheegaya in khasaare dhimasho iyo dhaawac leh uu jiro.

About The Author