Puntland oo ku eedaysay DFS inay dagaalka Dhahar ku dhabar-jabinayso dagaallada ka dhanka IS & AS
15 July 2025 (Puntlandes.com) Puntland oo war ka soo saartay dagaalka magaalada Dhahar ku dhexmaray ciidamadeeda iyo mileshiyaad hubaysan oo Villa Somalia ka qoratay Dhahar ayaa ku eedaysay DFS oo ay sheegtey in ay dhabar jabinayso dagaallada ka dhanka Daacish (IS) & Alshabaab.
“Dowladda Federaalka oo ku fashilantay howlihii loo igmaday, waxay qori-dable ah kula dhex wareegaysaa gobollada nabadda ah ee Puntland, waana lagula xisaabtamayaa.” Warsaxaafadeedka ka soo baxay Wadaaradda Arrimaha-gudaha.
