Gudoomiyaha gobolka Mudug oo kulan la qaatay hay’adaha wada mashruuca Barwaaqo
17 July 2025 (Puntlandes.com) Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Mudane Faysal Sheikh Cali Jifo-Jabsade, ayaa maanta xafiiska maamulka gobolka kulan muhiim ah kula yeeshay koox ka socotay wasaarado kala duwan, kuwaas oo si wadajir ah uga shaqeynaya hirgelinta mashruuca Barwaaqo ee ka socda gobolka Mudug, gaar ahaan degmooyinka Galkacyo iyo Xarfo.
Wasaaraha ka wada shaqeeya mashruuca Barwaaqo oo ka kooban Qorsheynta, Deegaanka, Xanaanada Xoolaha iyo Biyaha. Waxay si qoto dheer uga wada hadleen Gudoomiyaha hawlaha horumarineed ee mashruuca Barwaaqo oo ay kamid yihiin: dhismaha dhaamamka ama waraha biyaha lagu keydiyo ee deegaannada Roox iyo Boone (oo hoos taga Galkacyo iyo Xarfo), dayactirka ceelasha biyaha, daweynta xoolaha, iyo bixinta qalab muhiim u ah beeraleyda deegaanka.
Guddoomiyaha Gobolka ayaa bogaadiyey dadaalka ay wasaaraduhu wadaan, isaga oo xusay in mashruucani uu wax weyn ka tari doono baahiyaha nololeed ee bulshada reer miyiga iyo beeraleyda gobolka.