Muuqaal: Guddoomiyaha Gobolka Mudug oo si cad u sheegay in aan la oggolaan doonin in gobolka lagu qabto shirar siyaasadeed oo ay dabada ka riixayso DFS

1a1c4

17 July 2025 (Puntlandes.com) Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Mudane Faysal Sheikh Cali Jifo-Jabsade, ayaa si cad u sheegay in aan la oggolaan doonin in gudaha gobolka lagu qabto shirar siyaasadeed oo ay dabada ka riixayso dowladda federaalka, kuwaas oo aan lagala tashan maamulka gobolka ama aan dan u ahayn xasilloonida deegaanka.

“Gobolka waxa uu leeyahay haykal maamul oo shaqeynaya, waxaana naga go’an ilaalinta midnimada bulshada, deganaanshaha siyaasadeed iyo in aan laga faa’iideysan marxaladda aan ku jirno. Sidaas darteed, shir kasta oo siyaasad xambaarsan oo aan qayb ka ahayn qorshaha horumarinta, ma aqbalayno in lagu qabto gobolka,” ayuu yiri Guddoomiyaha

About The Author