Markab laga leeyahay Dalka Tiawan oo sida hub oo lagu qabtay xeebaha Puntland

1a1n1

18 July 2025 (Puntlandes.com) Markabkan ayaa waxaa ka babanaya Calamada Soomaaliland iyo tiawan sido kalena waxaa saaran hub aad u tira badan sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Ciidamo ka tirsan kuwa gobolka Raasa casayr oo baaritaan ku sameeyay ayaa ogaaday in uu hubkan u siday Soomaaliland kuwaaso ay cadeeyeen Qaar kamid ah Shaqaalaha Markabkaas.

Puntland ayaa ciidamo ka dirtay magaalada bosaso sido kalena Taliyaha Qaybta gobolka Raasa Casayr oo ku sugnaa magaalada bosaso ayaa ku baxay.

Markabkan ayaa cilad soo wajahday taas oo keentay in dadka kaluumaysatada ah ee Degmada Bareeda ay ka shakiyaan iyagoona ku war galiyeen laamaha amanka Gobolkaas.

About The Author