Go´aankii Gudigii Odoyaasha ee qabsoomida Shirka horumarinta Mudug oo ay diideen xubnihii ka yimid Nairobi
28 July 2025 (Puntlandes.com) Gudigii Odoyaasha ee la wareegay go’aanka ka gaarista qabashada Shirka horumarinta Mudug ayaa waxay soo saareen go’aamo kala ah:
1.Guddi wadajir ah oo 15- Xubnood ka kooban in ay qabtaan Shirka.
2.Xubno 5 ah in ay Dowladda ka yimaadaan.
3.Xubno 5 ah in ay ka yimaadaan Odoyaasha Gaalkacyo kasoo gaaray Nairobi.
4.Xubno 5 ah in ay ka yimaadaan Odoyaasha Gobolka.
Dowladu si buuxda ayay u aqbashay waxaase diiday odoyaashii ka yimid Nayrobi ee lahaa waxaan u nimid horumarka iyo wanaaga gobolka nagumana jiraan gacmo Xasan Sheekh.
Soomaalida ayaa waxa tiraahdaa ”ninkii meeli u cadahay meeli ka madow” odoyaasha Nairobi waxay wateen QANDARAAS ay kasoo qaateen Xasan Sheekh oo ah burburinta iyo qas ka abuurka Puntland.
Waxaa shaqo aad u fiican oo dawladda Puntland qabatay ah inay ujeedadii odoyaasha banaanka keentay iminkana ay shacabka gobolka Mudug ku baraarugeen dhagarta xasan Sheekh usoo dhiibay odoyaashaan.