Gaalkacyo: Kooxdii Nairobi katimid oo ku gacan sayreen dhamaan talooyinkii Culumada, Odayaasha dhaqanka & Gudiga horumarinta Degmada Galkacyo

1a1s4

28 July 2025 (Puntlandes.com) Kooxdii isku raranta ahayd ee ka koobnayd Siyaasinta iyo Wadaadada iskugu jiray ee Nairobi katimid ayaa waxay ku gacan sayreen dhamaan talooyinkii ka yimid Culumada, Odayaasha dhaqanka iyo Gudiga horumarinta Degmada Galkacyo.

Kooxdaan Siyaasiyiinta & Wadaada iskugu jiray ayaa waxay ka baxeen Fadhigii galabta odayaasha iyo waxgaradka kale ee Gobolka Mudug iyo  Madaxda Dowlada Puntland Fadhiyeen, kaas oo lagu wada hadlayey.

Kooxdaan isku raranta ah ee Xamar iyo Nairobi kasoo safray ayaa wax afgarta waa laga waayey magaalada Gaalkacyo, iyagoo ku doodaya inay horumar gobolka u wadaan, waxaana xusid mudan inuusan qof ganacsato ahna kuma jirin.

Kooxdaan ayaa qaybta Xamar ka timid waxaa la cadaynayaa inay wadaan mashruuc Xasan Sheekh usoo dhiibay oo ah iska horkeenka shacabka iyo dawladda Puntland, iyadoo yoolka Xasan Yahay burburinta Puntland.

Dhanka kale kooxda waxaa intaas u sii dheer inuusan ku jirin qof wax lagu Aamini karo, waxaana kooxda ka mida Xubno badan oo xoolo dadweyne horay u soo lunsaday kuwaas oo Cadaymo buuxa loo helikaro, hadana doonaya inay Magaca Gudiga horumarinta Mudug ay xoola ku urursadaan sidaasi daraadeed, dadka Reer Mudug ayagoo ka digtoon dhacdooyinkaas ayey diideen in magacooda aysan shaqsiyaad aamina u wakiilan.

About The Author