Sawirro: Qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo booqasho sharafeed ku tegay hoyga uu magaalada Gaalkacyo ka daggan yahay Islaan Bashiir Islaan Cabdile
30 July 2025 (Puntlandes.com) Qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa maanta booqasho sharafeed ku tegay hoyga uu magaalada Gaalkacyo ka daggan yahay Islaan Bashiir Islaan Cabdulle.
Booqashadan ayaa ahayd mid salaan, is-xogwaraysi iyo dhiirrigelin ah, taasoo muujinaysa xiriirka dhow ee ka dhexeeya xildhibaanada iyo isimada dhaqanka, kuwaas oo door muhiim ah ka qaata nabadda, wadajirka iyo horumarka bulshada.
Xildhibaanadu waxay uga mahadceliyeen Islaan Bashiir doorkiisa nabadeed iyo midka uu ku leeyahay talo-bixinta dowladnimada Puntland, iyagoo xusay in wada-shaqaynta golayaasha dowladda iyo isimada dhaqanku ay tahay tiir ka mid ah xasilloonida iyo guulaha laga gaaray Puntland.
Islaan Bashiir ayaa dhankiisa si diirran u soo dhaweeyey xildhibaanada, isagoo ku booriyey in ay sii xoojiyaan ka shaqaynta danta guud, midnimada ummadda, iyo horumarinta gobolka Mudug iyo Puntland guud ahaan.





