Sawirro: Madax Puntland oo kormeer ku tagay dhismaha Wadada Gaalkacyo ilaa Bacaadweyn qaybtii ay lahayd Shirkadda Kebarco

1a1t8

30 July 2025 (Puntlandes.com) Gudoomiyaha Hay’adda wadooyinka Puntland, xildhibaano iyo Wasiir dawlaha madaxtooyada Puntland ayaa kormeer ku tagay dhismaha Wadada Gaalkacyo ilaa Bacaadweyn oo ay maanta si rasmi ah u bilowday qaybtii ay lahayd Shirkadda Kebarco.

Shaqada hadda socota waa diyaarinta Jidka leexsan oo ay isticmaali doonaan Gaadiidka ku safra Laamiga, Dhismaha Laamigan.

Wadadda Laamiga ah ee isku xirta Bacaadweyn iyo Gaalkacyo oo dhererkeedu yahay 37km iyo dhowr km oo magaalada gudaheeda ah ayaa waxaa qandaraaska kala qaatay shirkadaha Kebarco iyo Albashid min 20km.

Shirkadda Albashid Construction Company ayaa laba cisho ka hor bilowday jidkii leexinta ahaa ee sy Baabuurtu mari lahayeen markii laamiga la dhismayo.

About The Author