Sawirro-muuqaalo: Shirka Horumarinta Mudug oo ka furmay Gaalkacyo

31 July 2025 (Puntlandes.com) Shirka Horumarinta Mudug ayaa ka furmay magaalda Gaalkacyo ee xarunta gobolka, waxaana ka qaybgalaya Golayaasha kala duwan ee dawladda Puntland, maamulka gobolka iyo kan degmada, wafuud dibada ka timid dibadda, Isimo, aqoonyahano, Ganacsato, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Shirkaan ayaa noqonaya kii u horeeyey oo caynkiisa oo kale ah, waxaana la filayaa in lagu dhawaaqi doono in dhaqaale lagu uruuriyo Sanduukha guddiga Horumarinta Degmada Gaalkacyo.

Hoos ka daawo hadaljedinti Islaan Bashiir Islaan Cabdule

About The Author