Puntland “Dawladda Puntland waxay diyaar u tahay in ay ka qayb qaadato sidii looga hortagi lahaa in ha´adaha dawladda Federaalka ah ay galaan mugdi sharci, kaas oo dalka u horseedi kara firaaq dawladnimo”

10f4

31 Aug 2025 (Puntlandes.com) Dawladda Puntland oo warsaaxafadeed soo saartay ayaa ka hadashay Badbaadinta dawladnimada Soomaaliya, Isku imaatin Shirweyne Soomaaliyeed oo lagu badbaadinayo dawladnimadii heshiiska lagu ahaa.

“Dawladda Puntland waxay cambaaraynaysaa siyaasadda guracan ee madaxweynaha JFS uu ku faragelinayo, kuna kala qaybinayo hay´adaha dastuuriga ah, iyo Ururada u midoobay toosinta siyaasadda dawladda Federaalka. Dhawqanka farogelinta iyo kala qaybinta hay´adaha dastuuriga ah iyo Ururada siyaasadeed ayaa ku salaysan xiniftan iyo rabitaan masaaliix shaqsi ah oo ay Soomaaliya horey u soo martay, una horseeday burbur siyaasadeed iyo mid amni.

Dawladda Puntland…..waxay ku celinaysaa in madaxweynaha muddo xileedkiisu ku egyahay 15ka Maj 2026 uu talada dalka iiska dhigo, dhagaystana talaabooyinka saamileyda siyaasadeed ee dalka si loo gaaro heshiis loo dhan yahay oo ay ku qansoonto doorashada goleyaasha Baarlamaanka iyo madaxweynaha si waafaqsan dastuurka KMG ah ee 2012kii.

Dawladda Puntland waxay diyaar u tahay in ay ka qayb qaadato sidii looga hortagi lahaa in ha´adaha dawladda Federaalka ah ay galaan mugdi sharci, kaas oo dalka u horseedi kara firaaqq dawladnimo.” warsaaxafadeedka dawladda Puntland

About The Author