Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha DFS Geesood oo xilka laga qaadayo, yaa lagu bedelayaa?

1a1a2

01 Sep 2025 (Puntlandes.com) Ra´iisul Wasaaraha Soomaliya Xamse Cabdi Bare ayaa xilka ka qaadaya wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Maxamuud Aadan Geesood kadib Markuu uu wax ka dhisay maamulka WB ee lagu dhisay magaalada Laascaanood.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wararku sheegayaan inuu heshiis la galay Jamaal xasan oo kala shaqeeyey inuu Firdhiye kusoo baxo madaxweynaha WB.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Maxamuud Aadan Geesood Geesood ayaa laga Reebay Safarkii Ganacsiga ee Raii’sul-wasaaraha Soomaaliya ku tagay Dalka Shiinaha.

Si kastaba ha ahaatee Raii’sul-wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa la Filayaa inuu xilka qaadis Degdeg ah ku sameeyo Maxamuud Aadan Geesood oo ah Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kuna bedewlo Jamaal Xasan.

About The Author