Puntland oo degmo ka dhigtay ceel-buh ee gobolka Sanaag iyo Baraagaha-qol ee gobolka Haylaan
03 Sep 2025 (Puntlandes.com) Madaxweynaha dawladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne oo tixraaciisu yahay (Lr. 06 – 03-da Sebteembar 2025) ku dhisay Degmooyinka Ceel-Buh ee gobolka Sanaag iyo Baraagaha-Qol ee gobolka Haylaan.
Hoos ka akhriso:
Boosaaso : 03 September 2025: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 06 ee 03-da Sebteembar 2025 ku dhisay Degmooyinka Ceel-Buh iyo Baraagaha-Qol ee Gobollada Sanaag iyo Haylaan.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland, Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Baahida loo qabo dhismaha degmooyin cusub oo ka tirsan Gobollada Sanaag iyo Haylaan.
Markuu tixgeliyey: Talo-soo-jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.
Wuxuu Xeeriyey:
1. Waxaa la dhisay Degmada Ceel-Buh oo ka mid noqonaysa Degmooyinka Gobolka Sanaag.
2. Waxaa la dhisay Degmada Baraagaha-Qol oo ka mid noqonaysa Degmooyinka Gobolka Haylaan.
3. Xeerkani wuxuu dhaqan-gelayaa marka uu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.
– DHAMMAAD-