Duqii degmada Galkacyo oo iscasilay & Wasaaradda Arimaha Gudaha oo mudaysay xiliga doorashada

1a1a6

03 Sep 2025 (Puntlandes.com) Duqa degmada Gaalkacyo Maxamed Cabdirisaaq Dacad ayaa xilii iska casilay, isagoo Xaashi u qoray Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland.

 Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa waxay soo saartay jadwalka doorashada Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Gaalkacyo taasoo dhacaysa maalinta Sabtida ah ee ku beegan 13ka september 2025.

 Jadwalka Doorashaduna wuxuu noqon doonaa sidaan hoose:

1. Diyaar garowga Xubnaha Golaha Deegaanka 03da september 2025. Ilaa 12ka september 2025.

2. Dhaarta iyo doorashada Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Gaalkacyo 13ka september 2025.

About The Author