Sawirro: Wasiirka Xannaada Xoolaha Puntland oo Qaabiley Wafdi balaaran oo ka socday Hay’adda FAO Somalia

1a1b6

03 Sep 2025 (Puntlandes.com) Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DPl Mudane Cumar Cabdisamad Yusuf Dhuux oo uu wehliyo Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DpL Mudane Axmed cartan ayaa qaabiley Wafdi uu hogaaminayo Mudane Kunow Abdi oo ah Livestock Sector Coordinator FAO Somalia.

Kulanka oo daaranaa sidii Kor loogu qaadi lahaa xiriirka Wanaagsan ee ka dhaxeeya Wasaaradda iyo hay,adda FAO oo si dhow uga wada shaqeeya arimaha xoolaha iyo hormarinta Calafkooda.

Intii kulan ku socday waxaa laga dooday Mashaariicda socota iyo kuwa soo socda sidii loo horgalin lahaa, iskaashi dhowna looga yeelan lahaa hormarin lahaa Xoolaha Puntland Caafimaadkooda iyo Calafkooda.

Ugu danbayntii Wasaaradda iyo Hay,adda FAO waxay isla qaateen in si dhow loo wada shaqeeyo si looga miradhaliyo qorsheyaasha dhow iyo kuwa fogba.

About The Author