Madasha Samatabixinta “Waxaan si adag u canbaaraynayna dhul boobka ka socda xaruuntii Kuliyadda Tababarka Abbaanduulka Ciidanka, Dhulka JUS, gaar ahaan Xaruuntii Jiifka Ardayda & Kulliyadda Caafimaadka”

1a1g1

10  Sep 2025 (Puntlandes.com) Madaxda Madasha Samatabixinta ee Muqdisho ayaa cambaareeyey Xaraashka ay sheegeen in madaxda DFS ay ku wadaan xarumihii shacabka loogu adeegayey, kuwaas oo kala ah.

1- Kuliyadda Tababarka Abbaanduulka Ciidanka ee Axmed Gurey.

2- Dhulka Jaamacadda Ummadda, gaar ahaana Xarunta Jiifka Ardayda.

3- Kulliyadda Caafimaadka.

Madasha Samatabixinta “Waxaan si adag u canbaaraynayna dhul boobka ka socda xaruuntii Kuliyadda Tababarka Abbaanduulka Ciidanka ee Axmed Gurey, Dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS), gaar ahaan Xaruuntii Jiifka Ardayda iyo Kulliyadda Caafimaadka”

Madashu waxay sheegtay in goobaha tacliinta iyo tababarka ciidamada ay yihiin laf-dhabarta dowladnimada, isla markaana aan loo dulqaadan karin in lagu xadgudbo, xilli dalka uu dagaal kula jiro kooxaha argagixisada.

Waxay sidoo kale ku eedeysay dowladda iyo ciidanka qalabka sida in ay indhaha ka qabsadeen cabashooyinka shacabka, isla markaana ay qayb ka yihiin barakicinta danyarta iyo boobka dhulka.

Madashu waxay ugu baaqday Madaxweynaha iyo ganacsatada ku lugta leh boobkaas in ay ka waantoobaan, iyadoo sheegtay in boobka hantida qaranka lala xisaabtami doono.

About The Author