Musharrax, Bashiir Cabdicasiis oo loo fasaxay inuu u tartamo duqa degmada Gaalkacyo

1a1g10

13 Sep 2025 (Puntlandes.com) Musharrax Bashiir Cabdicasiis oo ka mid ah Xisbiga KAAH ayaa loo fasaxay inuu u tartamo duqa degmada Gaalkacyo, isagoo noqonaya musharixii labaad oo ka tartama isla Xisbigaas.

Fasidaan ayaa ku soo beegmaysa ka dib maalmo khilaaf adag oo ka dhashay go’aankii tartanka loogu diiday uu magaalada ka taagna sidoo kalana rag hubeysan oo isaga taageersan ay haysteen Xarunta dowlada hoose ee Gaalkacyo.

Fasaxida Musharrax Bashiir ayaa waxaa lagu go’aamiyay kulan goor dhaweyd dhacay magaalada Gaalgacyo, waana tallaabo lagu soo afjarayo xiisadii ka taagnayd magaalada.

Doorashada duqa degmada Gaalkacyo oo ay ahayd inay dhacda maanta 13ka september ayaa xalay go´aan ka soo baxay Wasaaradda Arimaha Gudaha Puntland waxaa dib loogu dhigay muddo 24 saacadood ah, kaddib markii Wasaaradda qiimaysay xaaladda magaalada.

Xisbiga KAAH ayaa waxaa ka sharaxnaa Xuseen Dambalas halka uu la tartamayey Cabdiraxmaan Axmed Cirro.

About The Author