Diyaarad Gaari ku duqaysay gobolka Sanaag, yaa la socday?

1a1i

13 Sep 2025 (Puntlandes.com) Waxaa duqeyn diyaaradeed lagu dilay Nabadoon Cumar Cabdilaahi Cabdi Goobtu iyo labo qof oo kale oo gaariga la saarnaa.

Meesha Gaariga Diyaaraddu ku duqaysay ayaa waxay 8km u jirtaa degmada Ceelbuh ee Gobolka Sanaag, wuxuuna ku socday sida la sheegay magaalada badhan.

Faahfaahin dheeraad ah lama hayo, lamana oga cida duqeynta fulisay iyo sababta loo gaystay duqayntaas.

Sawirka Hoose Allaha u naxasiistee waa Nabadoon Cumar

About The Author