Xuseen Dambalas oo ku guulaystay Gudoomiya Degmada ahna Duqa Gaalkacyo
14 Sep 2025 (Puntlandes.com) Xil. Xuseen Cabdinuur Dambalas oo ka tirsan Xibiga Xukuumadda ee KAAH ayaa ku guuleystay duqa degmada Gaalkacayo, ka dib loolan doorasho oo todobaadkan ka socday halkaasi.
Codadka wareegii koowaad ayaa loo kala helay sidaan:
1 ) Xuseen Dambalas: 17 cod.
2 ) C/raxmaan Ciro: 8 cod.
3) Bashiir C/casiis: 7 cod.
Waxaa wareega labaadna u gudbey Xuseen Dambalas iyo C/raxmaan Ciro isagoo Dambalas ku guulaystay 21 cod halka Ciro helay 11 cod kaliya.
Xuseen Dambalas ayaa noqonaya tan & doorashadii qof iyo cod ee Puntland Duqii sadexaad oo Gaalkacayo yeelato.