Muuqaal-Sawirro: MD Xasan Sheekh oo furay kalfadhiga 7aad ee BFS ayaa sheegay inuu la heshiinayo Puntland iyo Jubaland
29 Sep 2025 (Puntlandes.com) Madaxweynaha JF Soomaaliya Xasan Sheekh oo furay kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inuu la heshiinayo Puntland iyo Jubaland.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xarriiqay in ay ka go’antahay in lala fariisto mas’uuliyiinta iyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka aragtida duwan dowladda, si loo helo midnimo iyo wadajir Qaran.
“Waxaan wali dadaal ugu jirnaa oo aanan ka harin walaalaha ka goos qabsaday in ay qayb ka noqdaan geeddi-socodka xasilinta siyaasadda dalka. Haddane maqaamka iyo mas’uuliyadda oo lagu kabay odaytinimada iyo nabad dooneynta mas’uuliyadda heer qaran, waxay na faraysaa in aan qof kasta oo wax tabanayo raadinno, waana ku sii soconaynaa wadadaas Alle idankii” madaxweyne Xasan Sheekh
















