DFS oo heshiis Qarsoodi ah oo ay lacag badan kuqaadatay kula gashay dawlada Sweden in….
01 Okt 2025 (Puntlandes.com) Waxaa soo baxaya warar culus oo muujinaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Sweden ay wada galeen heshiis qarsoodi ah oo ujeedkiisu yahay in qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas Swedenee aan sharci lasiin ama dambi gala dib loogu soo celiyo Soomaaliya.
Heshiiskaan ayaa lagu sheegay in dowladda Sweden ay Soomaaliya ku wareejisay lacag dhan 100 milyan oo lacagta Sweden ah (qiyaastii $10.6 milyan oo doollar), si loogu fuliyo qorshahan muranka dhaliyay.
Warbixin baaritaan ah oo ay daabacday Idaacadda Sweden ayaa shaaca ka qaaday in xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, uu si toos ah uga shaqeeyay heshiiskan, isla markaana lagu eedeeyay in uu lacagtaas qaato iyadoo ay jiraan dano dhaqaale oo gaar ah.
Qaxootiga Soomaaliyeed ayaa dareensan cabsi iyo walwal weyn, waxayna ku tilmaameen in dowladda Soomaaliya ay ku dhaqaaqday tallaabo ganacsi ku salaysan halkii ay u doodi lahayd xuquuqda muwaadiniinteeda.
Heshiiskan ayaa kusoo beegmay, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh oo magaalada Muqdisho ka wado dhul boob iyo barakicin shacab danyar ah, halka Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre lagu tuhunsan yahay inuu dadkii Soomaaliyeed ee qaxootiga ahaa u beddelay mashruuc dhaqaale.