Sawirro: Wasiirka Xannaanada Xoolaha Puntland, oo kormeer dhiirigelin ah ku tahay xarunta Soma Chicken

1a1a5

01 Okt 2025 (Puntlandes.com) Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dowladda Puntland, Mudane Cumar Cabdisamad Yuusuf dhuux ayaa kormeer ku tagay xarunta Soma Chicken, oo ah mid ka mid ah meelaha ugu waaweyn ee lagu dhaqo digaagga kana mid ah xarumaha ugu waxsoosaarka badan ee ukunta dalka.

Ujeeddada kormeerka ayaa ahayd in wasiirku si toos ah ugu kuurgalo habsami u socodka shaqada xarunta, xaaladda caafimaad ee digaagga, iyo tayada ukunta la soo saaro. Sidoo kale, wuxuu dhiirrigeliyay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta dowladda iyo ganacsatada si loo kordhiyo waxsoosaarka gudaha, loogana jawaabo baahida suuqyada maxalliga ah ee cuntada, gaar ahaan qaybta ukunta oo muhiim u ah nafaqada bulshada.

Wasiirka ayaa maamulka Soma Chicken uga mahadceliyey dadaalkooda, xirfadda ay muujiyeen, iyo sida ay diiradda u saareen ilaalinta caafimaadka digaagga iyo horumarinta waxsoosaarka. Waxa uu ballanqaaday in Wasaaraddu diyaar u tahay inay garab istaagto ganacsiyada noocan oo kale ah oo kor u qaadaya waxsoosaarka dalka iyo sugnaanta cunnada.

About The Author