Sawirro: RW Abiy & MD Cagjar oo dhagax-dhigay Warshadda Sifaynta Gaaska ee Godey
02 Okt 2025 (Puntlandes.com) Raysal Wasaaraha JDFI, Dr. Abiy Axmed Iyo Madaxweymaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa dhagax-dhigay mashruucani oo ah mid ahmiyad balaadhan uleh kor u qaadidda dhaqaalaha Dalka iyo Deegaanka.
Mashruucan ayaa waxaa looga faa’iidaysanayaa saliidda caydhiin ee laga helo ceelasha gaaska dabiiciga ah iyo kuwa saliidda waxsoosaarka badan leh ee ku yaalla Kaaluub iyo Eleelle. Waxa uuna isku xidhayaa sahminta iyo soo saarista shidaalka (upstream) iyo sifeyntiisa (downstream) si loo abuuro isku xidhnaan iyo waxtar dhaqaale.
Mashruucan oo wajigiisii koowaad la dhagax-dhigay ayaa marka la dhammeeyo, awood u yeelanaya in uu soo saaro 3.5 milyan oo tan sanadkiiba oo isugu jira:Batrool, Naafato iyo Kerosene.
Warshada sifeynta gaaska ee Godey ayaa ah mashruuc istiraatiiji ah oo qayb weyn ka qaadan doona horumarinta dhaqaalaha iyo ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee shidaalka.
















