Muuqaal: Puntland, Jubaland & Madasha Samatabixinta oo ku midoobay Golaha Mustaqbal Soomaliyeed
02 Okt 2025 (Puntlandes.com) War saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen Puntaland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta ayaa waxay ku baaqeen in la dhiso Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin dhinacyadaas.
Sidoo kalena sida ugu dhaqsiyaha badan la isugu yimaado shir gudaha Soomaaliya ka dhaca oo aan la caddeyn halka uu ka dhacayo.
War saxaafadeedkaan ayaa yimid kadib shir ay Nairobi ku yeesheen Madaxweynayaasha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni, Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) iyo Xubno ka socday Madasha Samatabixinta oo kala ah RW Khayre, RW Saacid iyo Xil C/raxmaan C/shakuur.
Arrimaha lagu xusay war saxaafadeedkan ayaa ka mid ah in loogu mahadceliyay dowladda Kenya dadaalka ay ugu jirto sidii Soomaaliya u heli laheyd xasillooni iyo horumar.
Sida ka muuqata warsaxaafadeedkan ayaa wuxuu hordhac u yahay shirka Kismayo la filayo inuu Madaxweyne xasan Sheekh kula qaato Axmed Madoobe iyo sida ay noqon karto natiijo kasta oo ka dhalata.
