Sawiradda shirkii Nairobi ee lagu dhisay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya
02 Okt 2025 (Puntlandes.com) Madaxweynayaasha Dowladdaha Xubnaha ka ah JFS ee Puntland, Madaxweyne Mudane Saciid Cabdullaahi Deni iyo Jubaland, Madaxweyne Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya wada-hadallo miro-dhal ah kula yeeshay Madasha Samatabixinta Soomaaliya, oo ay matalayeen Ra’iisul Wasaare hore Mudane Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare hore Mudane Saacid Shirdoon iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Waxay Madasha Samatabixinta iyo Dowladaha Jubaland iyo Puntland ku midoobeen Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, kaas oo hawaan shirwayne ku yeelanaya gudaha dalka.









