Muuqaal-Sawirro: Wasiirka Xannaanada Xoolaha oo kormeeray xoolo-dhaqato ka faa’iideystay mashruuca horumarinta waxsoosaarka cawska (calafka) xoolaha ee deegaanka 22aad ee degmada Garowe
03 Okt 2025 (Puntlandes.com) Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dowladda Puntland Mudane Cumar Cabdisamad Yusuf Dhuux ayaa kormeer ku tagay xoolo-dhaqato beeraley ah oo ka faa’iideystay mashruuca horumarinta waxsoosaarka cawska (calafka) xoolaha ee ka socda deegaanka 22-aad ee degmada Garoowe.
Wasiirka ayaa si gaar ah u bogaadiyey dadaalka xoolo-dhaqatada beeraleyda ee hirgaliyey hiigsiga Wasaaradda, kaas oo ah isku dhafka beeraha iyo xoolaha si loo helo caafimaad iyo nafaqo wanaagsan oo xoolaha ah.
Wasiirka ayaa tilmaamay in habkan cusub uu yahay mid wax weyn ka tari kara helitaanka caano iyo cad tayo leh, isagoo xusay in Wasaaraddu diyaar u tahay inay wax ka qabato caqabadaha haysta nidaamka wax-soo-saarka si loo yareeyo saameynta isbeddelka cimilada ee ku dhacaya xoolaha Puntland.





























