Muuqaal: MD Xasan Sheekh oo masaajidka Madaxtooyada uga jawaabay Puntland, Jubbaland & Madasha oo sheegey inuu tanaasulay balse ay iyagu dal shisheeye ku shirayaan oo aysan wadin dan Soomaaliyeed

03 Okt 2025 (Puntlandes.com) Madaxweyne Xasan Sheekh oo masaajidka Madaxtooyada uga jawaabay Puntland, Jubbaland & Madasha Mucaaridka ayaa sheegey in uu sameeyey ‘tanaasul’ uuna go’aansaday in uu lugihiisa ugu tago dowlad-goboleedyada balse ay iyagu dal shisheeye ku shirayaan oo aysan wadin dan Soomaaliyeed.

Wuxuu si adag u cambaareeyey socdaalkii ay siyaadiyiinta mucaaridku ku tageen salshigga degmada Wardhiigley iyo iska-hor-imaadkii dhacay, isagoo tilmaamay in mucaaridku aysan garanayn wax ay ka shaqaynayaan, wuxuu mar kale ku celiyey in uu sii wadayo doorashooyinka qof & cod iyo wax-ka-beddelka dastuurka.

“Aniga oo Madaxweynaha dalka ah ma qaato gaadhi qori dhashiike ah uu ku xidhan yahay, cid kalena laga aqbali maayo in ay Muqdisho ku dhex wadato baabuur qoryo saaran yihiin.”Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kahadlay arinta Dhul Boobka ayaa iska fogeeyey iibinta dhulka Danta-guud wuxuuna yiri “Dhulka waxaa ka mas’uula dowladda-hoose ee Xamar, sida Garoowe, caasimaddu obasiibo ma sii ahaanayso, adduunyada dad faqri ah waa qabtaa.”

About The Author