Madaxweynaha DFS & Madaxweynaha Jubaland oo ay u bilowdeen wada-hadallo ay albaabadu u xiran yihiin

05 Okt 2025 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa waxaa caawa u bilowdeen wada-hadallo ay albaabadu u xiran yihiin isla markaasna ay isku keliyeysteen.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonaya in Madaxweyne Axmed Madoobe ka laabto doorashadiisii, oggolaado Doorashada qof iyo cod isla markaasna uu ku laabto Golaha Wadatashiga Qaran, halka Jubaland dooneyso in DFS ay aqoonsato doorashadeedii, qodobada kalena laga wada-hadlo kolkaas ka dib, is-arag kooban oo maanta dhacay waxa ilahu tilmaamamayaan in lays-mari waayey, haatana la filayo in berriba la soo afmeero wadahadalada.

Dowladda Kenya oo uu ka socdo Taliyaha Sirdoonka, Nuuradiin Xaaji ayaa goobjoog ka ah dhexdhexaadiyaasha oo daneeyaasha Soomaalida ay ku jiraan.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ka hor is-afagarad siyaasadeed la galay Puntland iyo Madasha Mucaaridka, kaas oo sii adkaysay wada-hadallada DFS & JL.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wajahaya dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee gudaha caasimadda ee Madasha Samatabinta ayaa doonaya in uu dowlad-goboleedyada la kulmo ka hor dhammaadka muddo-xileedkiisa balse Puntland, Jubaland iyo Madasha ayaa ka midaysan in ay soo horjeedaan doorashada qof & cod, wax-ka-beddelka dastuurka iyo muddo-dheeraysi ku yimaadda xilhaynta mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sannadka u danbeeya muddo-xileedka DFS wuxuu isqabqabsiga-siyaasadeed noqday dhacdo joogta ah.

About The Author