Wadahadalladii u socday Madaxweyne Xasan Sheekh iyo MD Axmed Madoobe oo lagu kala kacay

1a1b

05 Okt 2025 (Puntlandes.com) Wadahadaladii u dhexeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa caawa lagu kala kacay isagoo si rasmi ah u burburay, kadib kulan ku soo dhamaaday is faham la’aan buuxda iyo kala aragti duwanaan siyaasadeed oo aan xal loo helin.

Ilo wareedyo ku dhow labada dhinac ayaa u xaqiijiyay in kulanka oo lagu waday in lagu heshiisiiyo Dowladda Federaalka iyo Jubaland uu ku dhammaaday jawi kalsooni darro ah, kadib markii labada madaxweyne ay isku mari waayeen qodobo sal u ahaa khilaafka muddada dheer soo jiitamayay.

1-Qodobka ugu weyn ee khilaafka: Doorashadii Kismaayo- wararka la helayo ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh ku adkaystay in laga laabto natiijadii doorashadii Jubaland ee lagu doortay Axmed Madoobe dabayaaqadii sanadkii hore, taas oo dowladda federaalku ay horey u sheegtay in aysan waafaqsaneyn dastuurka iyo hannaanka doorasho ee lagu heshiiyay.

Dhanka kale, madaxweynaha Jubaland ayaa si cad u diiday in arrintaas dib loogu noqdo, isagoo ku tilmaamay “arrin go’aan siyaasadeed ah oo shacabka Jubbaland ay hore u qaateen.”

Madaxweynaha Federaalka oo ku laabanaya Muqdisho: Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa inuu beri subax ku laabto Muqdisho, iyadoo warar aan rasmi ahayn ay sheegayaan inuu la tashiyo degdeg ah la yeelan doono Golaha Wasiirrada iyo xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran, si loo qiimeeyo halka uu xaalka siyaasadeed marayo.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in maamulka uu matalo uusan ka qayb gali doonin wax wadahadal ah oo cusub ilaa Dowladda Federaalka ay si buuxda u aqoonsato doorashada Jubaland iyo madax bannaanida dowlad-goboleedkiisa.

About The Author