Xafiiska Ra´iisul Wasaaraha Soomaaliya oo beeniyey heshiiskii qarsoodiga ahaa ee uu la galay Sweden
08 Okt 2025 (Puntlandes.com) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay waxay ku beenisay warbixinnada saxaafadeed ee dhowaan lagu sheegay in Soomaaliya iyo Sweden ay wada galeen “heshiis qarsoodi ah” oo isku xiraya gargaarka horumarineed iyo dib-u-celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed.
