Qaar kamid ah xildhibaanada labada gole ee BJF ku matala Jubaland: Villa Somalia waxay hawlan tahay burburinta nidaamka Federaalka
10 Okt 2025 (Puntlandes.com) Qaar kamid ah xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ku matala maamulka Jubaland ayaa si kulul uga horyimid go’aannadii dhowaan ka soo baxay Villa Somalia, kuwaasoo la sheegay inay ku hawlan yihiin dhismaha Maamul cusub oo Jubaland ah iyo qaabka lagu maareynayo xaaladda siyaasadeed ee gobolka Gedo.
Xildhibaanadan ayaa ku tilmaamay tallaabada Villa Somalia mid “baal-marsan Dastuurka KMG ah” isla markaana dhaawaceysa nidaamka federaalka ee dalka. Waxay sheegeen in go’aankaas uu horseedi karo xiisado siyaasadeed oo cusub, isla markaana uu caqabad ku noqonayo wada-shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Jubbaland.
Wararkan ayaa imanaya xilli ay Villa Somalia wado qorshe lagu dhisayo guddi cusub oo maamulaya arrimaha doorashooyinka iyo xiriirka maamul goboleedyada, gaar ahaan Jubbaland, taas oo ay mucaaradku ku tilmaameen “faragelin siyaasadeed.”

