Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Addis Ababa isagoo kala hadlaya RW Abiy Axmed “Jubalandta cusub”

12 Okt 2025 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa saaka gaaray caasimada dalka Itoobiya ee Addis Ababa, waa safar hal maalin ah, wuxuuna Ra´iisul wasaare Abiy Axmed kala hadlayaa arimaha Jubaland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonaya inuu RW Abiy Axmed ku qanciyo Jubalandta cusub oo u qorshaysan inuu ka dhiso gobolka Gedo.

Maalinta berrito ah ee Isniinta ayaa isna waxaa Addis Ababa tagaya Madaxweynaha Somaliuland Dr Cabdiraxmaan Cirro oo casumaad rasmi ah haysta lana filayo in si heer sare ah loo soo dhaweeyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isla galabta Muqdisho ku noqon doona, waxaana la filayaa inuu dalka Kenya na u socdaalo iskuna dayo inuu ku qanciyo qorshihiisa gobolka Gedo.

Waxaa xusid mudan in marka ay timaado qadiyada Jubaland ee xiligan taaggan ay wadamada Itoobiya iyo Kenya la safteen Maamulka Jubaland

About The Author