Muuqaal: Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 57aad ee Baarlamaanka Puntland,

1a1c1

25 Okt 2025 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa furay Kal-fadhigga 57-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, isagoo uga hadlay hafdaljeedintiisa xaalka guud ee Puntland, Somaliland, doorashada DFS ee 2026ka iyo arimo kale.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa Dastuuriga ah ku istaagay wixii u qabsoomay Dowladda si gaar ah Amniga iyo Guusha laga gaaray Hawgalka Ciribtirka Agragixisada ee Puntland ee ka socda Calmiskaad, Tayeynta Ciidanka Booliska, Adeegyada Dowladnimo, Arrimaha bulshada, Horumarinta, Kaabayaasha dhaqaalaha, Nabadeynta Ceergaabo iyo sidii dalka Soomaaliya looga badbaadin lahaa xaaladda hubanti la’aanta ah.

About The Author