Baarlaamanka Djibouti oo ansixiyey in Ismaaciil Cumar Geelle uu isa sharixi karo

1a1c1

26 Okt 2025 (Puntlandes.com) Baarlaamanka dalka Djibouti ayaa maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyey in Ismaaciil Cumar Geelle uu sii wadan karo tartankiisa doorashada iyadoo meesha ka saaray qodobkii Dastuurka ku jirey ee xaddidayey da’da qofka isa soo sharraxaya.

Ismaaciil Cumar Geelle oo dhashay sannadkii 1947-kii ayaa mar kale isu diyaarinaya in uu dalkaas taladiisa ku soo laabto marka la gaadho bisha april ee sannadka soo socda.

Qodobkaan oo aad uga caraysiiyey mucaaridka dibad wareega ah ee dalka Djibouti ayaa damaanad qaadaya in uu sii wadan karo hawlihiisa doorashada taas oo ka dhigan in Djibouti ku biirayso waddamada ay ka taliyaan madaxda ugu da’da weyn Caalamka.

About The Author