Muuqaal-Sawirro: Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Puntland oo Qado sharaf usameeyey wafdi uu hoggaaminayay Islaan Bashiir Islaan Cabdile
26 Okt 2025 (Puntlandes.com) Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Maxamed Maxamuud Ciise (Awoowe), oo hormuud u ah mas’uuliyiinta labada gole ee dowladda ku matala Gobolka Mudug, ayaa maanta qado-sharaf ku maamuusay wafdi ballaaran oo ka kooban isimada dhaqanka, Guddiga Hormarinta Deg Gaalkacayo iyo ganacsatada Gobolka Mudug, kuwaas oo howlo shaqo u jooga caasimadda Puntland.
Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminayay Islaan Bashiir Islaan Cabdile, waxaana sidoo kale ka mid ahaa ganacsato ka yimid waddamada Bariga Afrika iyo masuuliyiin kale oo ka soo jeeda Gobolka Mudug.
Munaasabaddan qado-sharafta ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaa ka soo qayb galay isimada dhaqanka, mas’uuliyiinta labada gole ee dowladda ku metela Gobolka Mudug, ganacsato iyo siyaasiyiin reer Mudug ah.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd xoojinta xiriirka wada-shaqeynta, dhiirrigelinta horumarka, iyo wadatashiga ku aaddan danaha guud ee shacabka Puntland, gaar ahaan Gobolka Mudug.





































